Kooxda Ajax ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara Jurrien Timber.
Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa Jurrien Timber iyada oo doonaysa in ay ka xoojiso kooxdeeda suuqa xagaaga.
Gunners ayaa dalab lama filaan ah oo 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Jurrien Timber kaas oo xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda Ajax.
Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Ajax diiday dalabka Arsenal ee 30-ka milyan ah maadama ay rabto qiimo intaas ka badan.
Kooxda Ajax ayaa Arsenal u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal wali ku rajo weyntahay saxiixa xiddiga kaas oo uu 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Ajax.
Related