Xiddiga Virgil van Dijk ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu lakumay dhaleecayn aad u weyn kadib markii uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay.
Kadib xili ciyaareedkii adkaa ee uu soo qaatay Mustqbalka Van Dijk ee Liverpool ayuu shaki ku jiraa iyada oo Kooxda lala xidhiidhinayo daafacyo dhexe.
Xiddiga 31 jirka ah oo uu 2 sano uga dhimanyahay hshiiskiisa Liverpool ayaa sheegay in ay go’antahay in uu dib u soo helo qaa ciyaareedkiisa waliba muhiim ka yahay kooxda Klopp.
“Weli labo sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga, waxaana u maleynayaa in ay (Liverpool) wali ii tixgelinayaan inaan muhiim u ahay kooxda” ayuu yiri Van Dijk.
“Xiriirka aan la leeyahay tababaraha waa mid fiican waxana aan dareemayaa wax wanaagsan waxana aan xilli ciyaareedka dambe ku soo gali doonaa dhiiranaan”ayuu sii raaciyay

Related



Source link