Madaxweynaha Real Madrid ayaa xaqiijiyay in suuqa Real Madri soo xidhmay kadib markii ay kooxdu la soo wareegtay xiddiga Joselu kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay ee suuqa xagaaga.
Real ayaa horay ula soo saxiixatay xiddigaha Joselu, Jude Bellingham, Feran Garcia iyo Ibrahim Diaz kuwaas oo kooxda ku soo laabtay.
Kadib saxiixyadaas Perez oo ah madaxweynaha Los Blancos ayaa xaqiijiyay in suuqa Real Madrid si Rasmi ah u soo xidhmay.
Xiddiga Joselu ayaa loo keenay in uu noqdo badalka tooska ah ee Karim Benzema kaas oo ka tagay kooxda Real Madrid una dhqaaqay horyaalka sucuudiga.
Hadaba waxa la soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.
Related