Kooxda Man United ayaa rajo ka heshay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararku.
Mbappe ayaa ka mid ah xiddigaha loogu hadal haynta badan yahay suuqa xagaagan iyada oo uu shaki ku jiro mustqbalkiisa.
Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa ay u muuqataa in ay Real seegi karto saxiixiisa.
Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Perez ayaa shaaca ka qaaday in suuqa kooxdiisu sidaas ku xidhmay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Dhanka kale PSG ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan hdii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Maadama ay Real ka baxday suuqa xagaaga halka waddo ee u furan Mbappe ayaa ah in uu ku biiro kooxda Man United.
Related