Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe Thomas Partey inta lagu jiro suuqa kala iibsiga (Telegraph).
Kooxda chelsea ayaa dar-dar galisay dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo (Mail).
Xiddiga kooxda chelsea ee Kai Havertz ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo iska diiday ku biirista Bayern Munich (Sky Sport).
Xiddiga Kylian Mbappe ayaa sheegay in sii joogi doono kooxda PSG xilli ciyaareedka dambe kadib go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa sanadka 2024 (Telefoon).
Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga kooxda Man City Kyle Walker (Sky Sports).
Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Victor Osimhen (90min).
Kooxda Arsenal ayaa dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirta saxiixa xiddiga kooxda Southampton ee Romeo Lavia maadamma uu la wakiil yahay xiddiga Bukayo (Fabrizio Romano).
Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Ilkay Gundogan (Mundo Deportivo).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Leicester City ee Harvey Barnes (Mail).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Kyle Walker (Mail)
Kooxda Newcastle ayaa Barcelona u soo bandhigtay xiddiga Bruno Guimaraes iyo waliba 30 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga Raphinha (Gerard Romero).
Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa in ay dalab ka gudbuso saxiixa xiddiga Kylian Mbappe xilli ay Real Madrid ka baxday suuqa kala iibsiga (El Nacional).
Liverpool ayaa hogaanka u haysa United tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch kaas oo u ciyaara kooxda Bayern Munich (Ben Jacobs).
Man Utd ayaan wax xiiso ah u qabin in ay Tottenham ka iibiso xiddiga garabka uga ciyaara ee Jadon Sancho xagaagan (Fabrizio Romano).
Xiddiga kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund ayaa qalbigiisa galiyay in uu ku biiro Man United (Fabrizio Romano).

Related



Source link