Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay suurtagalnimada ay kooxdiisu ula soo saxiixan karto xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe.
Mbappe ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda PSG iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.
Xiddiga reer France ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG taas oo heegan galisay kooxaha reer yurub.
Tababaraha Man City ayaa la waydiiyay hadii ay kooxdiisu u dhaqaaqayso saxiixa Mbappe inta lagu jiro suuqa xagaaga.
“Maya, lama soo saxiixan doono Kylian Mbappe, kuma soo biirayo Man City sababta oo ah waad wada ogtihiin halka uu doonayo in uu aado”.
Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Real Madrid iyada oo Los Blancos xitaa xagaagii hore ka gudbisay dalab aad u weyn.
Related