Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa sheegay in uu wadahadalo hoose kula jiro xiddigaha Harry Kane iyo Declan Rice si uu ugu qanciyo in ay ku biiraan Man United.
Shaw ayaa haatan ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa England waxana uu shaaca ka qaaday in uu isku dayayo in uu labada xiddig ee ay isku xulka yihiin ku qancinayo in ay ku biiraan Old Trafford.
United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Xiddigaha Rice iyo Kane sanadihii ugu dambeeyay si ay ugu xoojiyaan kooxda.
“Waan jeclaan lahaa in ay ku soo biiraan Man United, been ma sheegayo”ayuu shaw yidhi.
“Waxa aan haatanba u sheegaa in ay ku biiraan Ma United sababta oo ah waxa aan garanayaa tayadooda”.
“Waa laba xiddig oo tayo leh kuwaas oo horumarin kara kooxdeena”.
“Waxa ay joogeen halka ugu saraysa sanadihii ugu dambeeyay waanan jeclaan lahaa in ay la ciyaaraan”.
Related