Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia Luka Modric ayaa ka hadlay dalabka uu ka helay kooxaha reer sucuudi.
Luka Modric ayuu heshiiskiisa kooxda Real Madrid dhacayaa waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda.
Kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga ayaa xiddiga khadka dhexe miiska u saaray dalab aad u sareeya.
Real Madrid ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga iyaga oo u arka in uu wali wax weyn ka caawin karo kooxda.
Modric ayaa muhiim ka ahaa kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda kula guulaystay koobabka Club World cup, UEFA Super Cup.
“Waxaan go’aansaday mustaqbalkayga, doorashadu aad ayay maskaxdayda ugu caddahay – laakiin ma sheegi doono mana ku dhawaaqi doono maanta”
Related