Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Ma City ee Kyle Walker.
Warkan ayaa soo baxaya xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddiga Walker ee kooxda Man City lalana xidhiidhinayo in uu ka tagayo kooxda.
Liverpool ayaa sidoo kale suuqa ugu jirta daafac midig xilli ay xiddiga Trent Alexander Arnold u doonayaan in ay ka ciyaarsiiyaan khadka dhexe.
Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Livrpool doonayso saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso daafaca xili ciyaareedka dambe.
Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay adkaan doonto sidii uu heshiisku u dhici lahaa sabab la xidhiidha in ay labada kooxood si weyn u xafiiltamaan.

Related



Source link