Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay baacsiga ay ugu jirtay xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kim Min-jae iyada oo Bayern Munich qarka u saarantahay in ay dhamaystirto saxiixa daafaca.
Kooxda Bayern Munich ayaa bixinaysa lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa oo dhan 50 milay si ay u dhamaystirto heshiiska xiddiga.
Bayern Munich ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa Kim Min-jae iyada oo kooxdu haatan ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.
Kooxda reer Germany ayaa doonaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Kim Min-jae 1 bisha July iyada oo kooxdu ku garaacday Man United saxiixa xiddiga.
Kim Min-jae ayaa iska diiday Man United inkasta oo mudd dheer lala xidhiidhinayay kooxda Red Devils todobaadyadii ugu dambeeyay.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda kula guulaystay horyaalka Serie A-da.

Related



Source link