Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga ay isku xulka yihiin ee Khephren Thuram ku biiri doono kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga Khephren Thuram kaas oo ay doonayso kooxdu in ay ku xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo kula jiro Liverpool si uu heshiiska shaqsiga ah ula gaadho kooxda ka hor inta uuna u dhaqaaqin Anfield.
Reds ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga iyaga oo u arka xiddig wax weyn ku soo kordin kara kooxda.
Konate oo xiddiga Khephren Thuram kula sugan waajibaadka xulka qarankiisa ayaa sheegay in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ku biirayo kooxda Liverpool.
Ibrahima Konate Ayaa la waydiiyay hadii uu Khephren Thuram ku biirayo kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa xagaagan waxana uu ku jawaabay”Haa, aad ayaan ugu rajo weynahay”.

Related



Source link