Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah uga baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Moisés Caicedo tan ilaa suuqii January iyada oo xitaa aad ugu dhawaatay in ay la wareegto kadib markii ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixiisa.
Gunners ayaa la filayay in ay xagaagan u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Moisés Caicedo iyada oo uu Arteta doonayo in uu dib u dhiso kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Lakiin sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jocobs, Arsenal ayaa ka hadhay tartanka ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo.
Arsenal ayaa la rumaysanyahay in ayna awoodin lacagta ay dalbanayso kooxda Brighhton marka la eego in ay sidoo kale lacag badan ka bixinayso xiddiga Declan Rice.
Sidaas Darteed Gunners ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Eucador sabab la xidhiidha qiimaha lagu iibinayo oo aad u bdan.

Related



Source link