Kooxda Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay dalab ka gudbiso xiddiga kooxda Southampton ee Romeo Lavia xilli ay doonayso in ay ku xoojiso khadkeeda dhexe suuqa kala iibsiga xagaagan.
Gunners-ka ayaa ka raadineysa xiddiga khadka dhexe ah waxana ay isha ku haysaa dhaw xiddig oo kala duwan.
Xiddigaha Caicedo iyo Declan Rice ayaa ka mid ah xiddigaha si weyn loola xidhiidhiinayo kooxda Arsenal suuqa xagaagan.
Haatan kooxda Mikel Arteta ayaa dareenkeeda u soo jeedisay xiddiga kooxda Southampton ee Belgian Lavia, kaasoo qiimo jaban ku heli kara ka dib markii ay Southampton u laabatay heerka labaad.
Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa sidoo kale ku loolami doona kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Manchester United oo dagaal ugu jira saxiixa Lavia.
Inkasta oo ay Southampton ku dhibaatootay xilli ciyaareedkii dhamaaday hadana xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay isaga oo ciyaray 34 kulan tartamada oo dhan.
Related