Jurrien Timber ayaa mar kale shaki galiyay mustaqbalkiisa Ajax.
Daafaca reer Holland ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Liverpool iyo Manchester United xilli la filayo in uu ka tago kooxda Ajax dhamaadka ciyaareedkan.
“Nasiib darro wax yar” ayuu Timber ku jawaabay markii wax laga waydiiyay qorshihiisa mustaqbalka.
“Kuma lihi waxba ma dhacayaan, laakiin wax intaas ka badan ma sheegi karo”ayuu sii raaciyay.
Timber ayaa lagu arkay garoonka Wembley isaga oo daawanayay Final-kii FA Cup-ka ee ay Man City ku guulaystay koobka.
“Waxyaabahan oo kale si degdeg ah ayay u socdaan,” Timber ayaa u sheegay Veronica Inside.

Related



Source link