Kooxda Arsenal ayaa lagu tilmaamaa kooxda kaliya ee kubada cagta England ku guulaystay koobka premier League guuldaro la’aan.
Laakiin waxa jirta xaqiiqo aanay cid ogayn iyada oo ay jirto koox aan Arsenal ahayn oo dhigtay rikoodhkaas.
Inkasta oo uuna ahayn horyaalka premier Legaue hadana kooxda Preston North End Kuwaas oo kubada cagta England dhigtay rikoodhka taariikhiga ah.
Kooxda Preston North End ayaa ahayd kooxdii kaga horaysay Arsenal rikoodhka guuldaro la’aanta horyaalka kubada cagta.
Kooxda Preston North End ayaa xilli ciyaareedkii 1888/1889 horyaalka oo wakhtigaas la odhan jiray horyaalka heerka sare ku qaaday guuldaro la’aan.
Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Preston North End wakhtigaas guuldaro la’aan ku qaaday horyaalka iyo waliba tartanka FA cup-ka.

Related



Source link