Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa ku aadan inuu sii joogo Emirates waqti dheer iyadoo ay jiraan warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa tayadiisa ku soo bandhigay kooxda Arsenal isaga oo dhaliyay 15 gool 37 kulan oo uu u ciyaaray Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Qaab ciyaareedka Odegaard ayaa keentay xiiso uu ka helay kooxo reer yurub ah ay ka mid yihiin kooxda PSG iyo Bayern Munich.
Kadib markii uu aaday waajibaadka xulka qarankiisa Norway, Odegaard ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa iyo xiisaha uu ka helayo kooxaha reer yurub.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay Arsenal, waxaana rajeynayaa inaan halkaan sii joogo waqti dheer, aan aragno xaalada heshiiska cusub, Xagaagii hore kadib lama hadlin Arsenal, wax deg-deg ah iguma jiro wali heshiis ayaan kula jiraa kooxda”ayuu Odegaard yidhi.

Related



Source link