Kabtanka kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa lagu daray liiska xiddigaha ka tagi doona kooxda marka uu dhoco heshiiskooda dhamaadka bishan.
Xiddiga reer Germany ayaa door weyn ka qaatay ku guulaysiga Man City ee ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.
Gundogan ayaa dhaliyay 11 gool 7 kalena caawiye ka noqday 61 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Xiddiga 32 jirka ayuu heshiiskiisa haatan ee kooxda dhacayaa dhamadka bishan haatan lagu jiro.
Gundogan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya in ay qaab xor ah kula wareegaan.
Marka la eego qaab ciyaareedka uu ku dhamaystay xilli ciyaareedkan, Man City ayaa doonaysay in ay sii haysato xiddiga kana saxiixato heshiis cusub.

Related



Source link