Arsenal ayaa si adag uga shaqaynaysa in ay dhamaystirto saxiixyadeeda suuqa kala iibsiga xagaaga sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Gunners ayaa haatan dooneysa inay dhameystirto heshiisyada Declan Rice iyo Kai Havertz si ay u horumariyaan kooxdooda.
Romano ayaa u sheegay “Arsenal waxa ay diirada saaraysaa kaliya Declan Rice iyo Kai Havertz, wakhtigan heshiiska shaqsiga ah dhibaato maaha”.
“Laakiin qiimaha ay chelsea dalbanayso iyo sidoo kale qiimaha West Ham dalbanayso ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee hor taagan Arsenal”.
Romano ayaa sidoo kale xaqiijiyay in u dhaqaaqista Arsenal ee Moises Caicedo ayna suurtagal ahayn marka loo eego in ay chelsea ku biirtay tartanka.
Arsenal ayaa aya haatan si adag uga shaqaynaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddigaha Rice & Havertz.
Related