Bayern Munich ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto Kai Havertz inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga reer Germany ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal laakiin wadahadalada ayaa joogsaday kadib markii ay chelsea dalbatay lacag dhan 70 milayn oo euro.
Laakiin Bayern Munich ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga reer Germany si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.
Tababare Thomas Tuchel oo xiddiga kula soo shaqeeyay kooxda Chelsea ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Heshiiska xiddiga khadka dhexe ee chelsea ayuu ka dhimanyahay 2 sano waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalka xiddiga.
Related