Bernardo Silva, garabka Manchester City, ayaa mar kale diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa, maadaama lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona iyo Paris Saint-Germain midkood, laakiin waxaa jira wadahadalo horumarsan oo uu kula jiro kooxda Faransiiska, sida ay wararku sheegayaan.
Silva ayaa  ka yiri wargeyska Sport Witness”Kama baxsanayo su’aalaha, weli ma garanayo mustaqbalkayga, waxaan horay u sheegay, daacad baan kuu ahay.”
Waxa uu intaa ku daray “Waan arki doonaa mustaqbalka dhow,  runtu waxay tahay ma garanayo meel aan ka ciyaari doono”.
Bernardo Silva ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Barcelona, ​​halkaasoo uu doonayo inuu aado, sidoo kale tababare Xavi Hernandez ayaa arintaas qaba laakiin dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda reer Catalan ayaa caqabad ku ah dhameystirka heshiiska xilli hore, maadaama ay tahay inay marka hore iibiyaan dhowr ciyaartooy.
Wariyaha arimaha suuqa ku xeel dheer ee Fabrixo waxa uu sheegay in PSG kulan la qaateen Silva kana hadleen hishiiska shaqsiyadeed balse aan wax hormar laga gaarin dhanka kooxda City oo dalban doonta mushaar waali ah
 

Related



Source link