Garabka Duula ee Kooxda reer Spain Barcelona Raphinha ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka la xiriira inuu kooxda ka tagayo,iyadoo bilihii ugu dambeeyay lagu xamanayay inuu dhabarka aadin doono kooxdiisa Barcelona Maadamo uusan ku qancin
qaab ciyaareedka Macalin Xavi.
Ciyaaryahankii hore ee Leeds United Raphael Dias Belloli Raphinha ayaa si maldahan u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo FC Barcelona, inkastoo warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan mustaqbalkiisa Camp Nou inuu durbaba dhamaad yahay.
” Waxaan sii wadan doonaa ciyaaristeda Barça xilli ciyaareedka soo socda, iyo xilli ciyaareedka ka dambeeya,
” Waxaan heystaa qandaraas sanado badan, waxaan rajeynayaa inaan buuxiyo sanadahaas iyo kuwa kale oo badan.
Waan ku faraxsanahay halkan. ” meelna uguma socdo” ayuu yiri Raphinha.
Related