Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Brighton & Hove Albion Moises Caicedo ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea suuqa xagaagan xilli ay Arsenal xiisaynayso xiddigan.
xiddiga 21 jirka ah ayaa Brighton ka caawiyay in ay u soo baxdo tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.
Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa keentay in uu xiiso ka helo kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub.
Caicedo ayaa aad ugu dhawaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqii January kadib markii uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Brighton.
Laakiin xiddiga ayaa iska sii joogay kooxda kadib markii ay Brighton diiday in ay iibiso xiddiga.
waxa si weyn loo filayaa in uu xiddigu ka tago kooxda Brighton suuqa xagaagan iyada oo tababaraha kooxda Brighton xaqiijiyay in uu ka tagi doono kooxda xagaagan.
Arsenal ayaa la filayay in ay noqoto kooxda ugu cad cad saxiixa xiddiga laakiin chelsea ayaa haatan hogaanka u haysa tartanka xiddiga.
Caicedo ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea.
Related