Xiddiga ku biiray Inter Miami ee Lionel Messi ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horreeyay ee MLS-ka ciyaarta All-Starsoo ay la ciyaarayaan Arsenal 19ka July, sida lagu sheegay warbixinta.
35-sano jirkaan ayaa xaqiijiyay inuu ku biiri doono kooxda ka dhisan Florida marka uu dhaco qandaraaska uu kula jiroParis Saint-Germain dhamaadka bishaan.
Messi ayaa labo xilli ciyaareed ku qaatay Paris, isagoo dhaliyay 32 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 35 caawin75 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, isagoo sidoo kale ku guuleystay horyaalka Ligue 1.
Ku guuleystaha todobada jeer ee Ballon d’Or waxa uu ka qayb qaatay 32 gool inta badan ciyaaraha heerka sare ee Faransiiskaololihii 2022-23, halka uu ahaa hogaamiyahii iyo hormuudkii ka dambeeyay ku guuleysiga Koobka Adduunka 2022 ee Argentina,oo ah horyaalkii ugu horreeyay ee qaranka muddo 36 sano ah.
Kahor inta uusan ku biirin PSG, Messi wuxuu ku guuleystay 35 koob wuxuuna dhaliyay 672 gool 778 kulan oo uu ciyaaray intii lagu jiray
waayihiisii Barcelona intii u dhaxeysay 2004 iyo 2021.
Messi ayaa hadda tartan cusub ka bilaabaya dalka Mareykanka isaga iyo milkiilaha kooxda Inter Miami David Beckhamka dib markii uu diiday dalabyo qaali ah oo ugu yimaaday Saudi Arabia.
Weeraryahankan ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee xirfaddiisa isagoo gudanayawaajibaadka xulkiisa Argentina khamiistii, isagoo ku dhaliyay kaliya 79 ilbiriqsi ciyaar saaxiibtinimo oo ay 2-0kaga badiyeen Australia ciyaar ka dhacday Beijing.
Messi ayaa haatan lagu wadaa in uu fasax ku maqnaado dhowr todobaad ka hor inta uusan la xiriirinsaaxiibadiisa cusub ee Inter Miami bisha soo socota.
Mar wax laga weydiiyay imaatinkiisa iyo taariikhda suurtagalka ah ee uu ku bilaabanayo Inter Miami ka dib guushii Argentina,
Messi ayaa u sheegay suxufiyiinta,
“Waxaan rabaa inaan aado fasaxeyga, ka dibna, mar kale ayaan aadeynaa.”
Sida laga soo xigtay The Sun, Messi ayaa laga yaabaa inuu awood u yeesho inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay ee MLS All-Starskulanka ay kooxda Premier League ee Arsenal kula ciyaari doonto Audi Field ee Washington DC 19ka July.
Weeraryahankii hore ee Manchester United haatana ah tababaraha kooxda DC United Wayne Rooney ayaa qaban doona shaqada kooxda All-Stars, waxaana loo xilsaari doonaa inuu soo xusho 12 ciyaartoy oo MLS ah oo uu Messi ku jiro 26-ka ciyaaryahan ee kooxdiisa.
12 ciyaartoy oo kale ayaa lagu dooran doonaa isku darka codadka taageerayaasha MLS, xubnaha warbaahinta iyo ciyaartoyda,halka labada boos ee soo hadhay uu dooran doono gudoomiyaha horyaalka Don Garber.
Ka dib markii laga yaabo inuu matalo MLS All-Stars, Messi ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horreeyay ee Inter Miamiisagoo wajahaya kooxda Mexico ee Cruz Azul ee Leagues Cup 21ka july.
The Miami Herald ayaa sheegtay in tigidhada tartankan uu si la yaab leh u kordhay 1,034% tan iyo markii lagu dhawaaqay
imaatinka Messi ee Inter Miami, iyadoo tigidhka ugu qaalisan lagu sheegay $20,701 (£16,000).
Related