Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Folarin Balogun,iyadoo weeraryahanku uu wacdaro dhigay intii uu amaahda ku joogay France xilli ciyaareedkan.
Isagoo si ku meel gaar ah uga soo wareegay Emirates kuna biiray kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Reims bishii Agoosto 2022,21 jirkaan ayaa dhaliyay 21 gool 37 kulan oo uu u saftay kooxda Will Still, isagoo ka dambeeya kaliya Kylian Mbappe,Alexandre Lacazette iyo Jonathan David Tartanka gool dhalinta.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa kulankiisii ugu horeyay u saftay USA habeenimadii Khamiistaisagoo kulan adag la qaatay dalka Mexico ee ay xafiiltamaan , Xiddiga ayaana  ciyaaray 75 daqiiqo ciyaar la qaatay afar kaar oo casaan ah.
 
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Inter Milan ayaa dooneysa inay Balogun geeyso Serie A xilli ciyaareedka soo socda,iyadoo Edin Dzeko uusan dammaanad qaadin inuu kooxda ka tago suuqan xilli ay xiiseyneyso Fenerbahce.
Waxaa la rumeysan yahay in agaasimaha ciyaaraha ee Inter Piero Ausilio uu wadahadalo hordhac ah la yeeshayciyaaryahanka iyo wakiiladiisa magaalada London Khamiistii, iyadoo la filayo in wada hadalada ay sii socdaan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Gunners ay doorbideyso inay si joogto ah ula wareegto weeraryahanka,waxaana ay ku dalbanayaan 40 milyan oo ginni, si kastaba ha ahaatee waxaa la fahamsan yahay in Nerazzurri ay door bideyso heshiis amaah ah.
Balogun ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda ka dib xilli ciyaareed wax ku ool ah oo uu ku soo qaatay Reims, in kasta oo ay u muuqato in Mikel Arteta uu haysto Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah oo uu ka horeeyo xiddiga Mareykanka.

Related



Source link