Pep Guardiola ayaa ugu danbayn u qaaday Kooxda Manchester City koobka UEFA Champions League kadib markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan ciyaar ka dhacday garoonka Ataturk Olympic Stadium ee Turkiga .
Guusha ay gaareen Citizens ma aysan soo afjarin oo kaliya sugitaankoodii dheeraa ee ay ku sugayeen Champions League, laakiin sidoo kale waxay jabiyen rikoor u yaallay dariskooda, Manchester United oo 1999-kii seddexley koobab ah ku guuleysatay Premier League, FA Cup, iyo UCL.
John Stones, Kevin De Bruyne, Ilkay Gundogan, iyo Erling Haaland ayaa ku guulaysteen inay magacyadooda ku biiriyaan buugaagta taariikhda tartanka , haddana waxaa jira tiro badan oo ah astaanta kubbadda cagta oo aan waligood fursad u helin inay kor u qaadaan koobka dhegaha weyn.
Haddaba Waa Kuwan Ciyaartoydii kubbada cagta ee ugu waa waynaa ee seegay ku guulaysiga Champions League, inkasta oo ay xirfado cajiib ah ku jireen.
Goolhaye / Gianluigi Buffon
Ku guulaysta koobkii adduunka ee Italy 2006dii, waayihiisii wacnaa ee Buffon waxaa ka dhimna hal koob oo kaliya waana- UEFA Champions League. In kasta oo uu ciyaaray 2003, 2015, iyo 2017 final, ilaaliyaha caanka ah ayaa ku fashilmay inuu kor u qaado Champions League.U dhaqaaqistiisi PSG ma beddelin heerkiisa hamagiisa.
Daafac / Fabio Cannavaro
Fabio Cannavaro ayaa isna ahaa talyaani kale kaas oo sidoo kale seegay hanashada koobkii la jeclaa. Inkastoo uu yahay mid ka mid ah daafacyada aadka u yar ee ku guuleystay Ballon d’Or, haddana shaki kuma jiro inuu jeclaan lahaa inuu u gacanta ku dhigo Champions League laakin waqtiga ayaa u diiday.
Daafac / Lillian Thuram
Thuram wuxuu lahaa xirfad aad u wanaagsan taasoo keentay inuu ku guuleysto UEFA Cup ( oo hadda loo bixiyay Europa League), Koobka Adduunka, iyo Euro – laakiin weligiisa kuma guuleysan UCL.
Daafac / Bobby Moore
Bobby Moore, daafaca caanka ah ee Ingariiska wuxuu xulkiisii seddexda libaax  ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​koobkii kaliya ee aduunka 1966 ilaa maanta.
Daacadnimadiisa aan leexleexashada lahayn ee uu u haayay West Ham waxay keentay inuu ilaabo inuu ku guuleysto Champions League.
Khad Dhexe/ Patrick Vieira
Vieira waxa uu ahaa xiddig khadka dhexe ka ciyaara intii lagu jiray waayihiisii wacnaa ee Arsenal iyo xulka qaranka Faransiiska.
In kasta oo uu lahaa xirfad cajiib ah oo ay ka buuxaan abaal-marin shakhsi ah oo uu u soo ciyaaray kooxo aan laga adkaan iyo horyaalo joogto ah, geesigii reer France ayaa ugu dambayntii ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo aan ku guuleysan Champions League.
Khad Dhexe Cesc Fabregas
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee heerka sare ah oo kubbada cagihiisa ku taagneyd, Fabregas ayaa saftay in ka badan 100 kulan.Fabregas markuu tagay Barcelona wuxuu ku guuleystay koobab badan balse markuu ka tagay kooxda barca Champions League ayee qaaday, nasiib wuu u yeelan waayay xiddigan inuu qaado Champions league.
Khad Dhexe Michael Ballack
Weerar / Diego Maradona
Weerar / Zlatan Ibrahimovic
Weerar / Ronaldo Nazario
Weerar / Ruud Van Nistelrooy

Related



Source link