Xiddiga Jude Bellingham ayaa maanta si Rasmi ah loogu soo bandhigay garoonka Santiago Bernabue isaga oo ah xiddig Real Madrid ah kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda.
Real Madrid ayaa Jude Bellingham ku garaacday kooxo ay ka mid yihiin Liverpool, Man United iyo Man City kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Jude Bellingham ayaa ka mid ahaa xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqa xagaaga isaga oo go’aansaday in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund.
Xiddiga reer England ayaa haatan shaaca ka qaaday markii uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid.
Jude Bellingham oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan joogay final-kii ay Real Madrid garaacday Liverpool tartanka champions League”.
“Arintaas ayaa door weyn ka qaadatay go’aanka aan ku diiday kooxaha kale si aan ugu biiro Real Madrid”.

Related



Source link