Tababaraha Kooxda Roma Jose Mourinho ayaa ka gaabsaday wararka sheegaya inuu aadayo Bariga Dhexe gaar ahaan Sacuudiga halkaasi oo ay xiddigo waaweyn ay u dhoofen.
Talaabada xigta ee Jose Mourinho ayaan wali cadeyn ka dib markii AS Roma ay finalka UEFA Europa League ku garaacday Sevilla, taaso shaki badan dhalisay oo ah inuu Macalinkan Portugal uu ka tagayo kooxdiisa.
Mourinho waxa uu Roma ku biiray 2021 waxana uu u saxeexay heshiis saddex sannadood ah, laakiin laba sannadood oo uu joogay kooxda waxa uu helay taageero dhaqaale oo kooban.
Waxa uu kooxda ku hogaamiyay in ay ku guulaysato koobkii ugu horeeyay ee UEFA Europa Conference League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxana uu xilli ciyaareedkiisii 2-aad gaadhay finalka Europa League balse waa laga qaaday.
Tababarihii hore ee Chelsea ayaa dalabyo ka helay kooxaha Yurub, xulalka qaranka iyo Saudi Arabia laakiin waxay u muuqata mid diiday, isagoona doorbidayo inuu sii joogo Roma.
Related