Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Juventus ku wargalisay in ay diyaar u yihiin in ay ugu yaraan 5 xiddig ku daraan heshiiska ay ku doonayaan xiddiga Dusan Vlahovic.
Todobaadyadii la soo dhaafay, xiddiga reer Serbia ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Juventus kadib markii uu ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda.
Sidaas darteed xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo ka warqaba in qiimo sare lagu iibinayo xiddiga.
Inkasta oo ay Juventus ku jirto xaalad adag hadana waxa ay ku dhagantahay in ay xiddiga ku iibiso ugu yaraan 70 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, kooxda chelsea ayaa Juventus u sheegtay in ay heshiiska ay ku doonayaan xiddiga ku darayaan ugu yaraan 5 xiddig oo kooxdeeda ah.
Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay Juventus u soo bandhigto xiddigaha Trevoh Chalobah, Kalidou Koulibaly, Ruben Loftus-Cheek, Christian Pulisic & Romelu Lukaku.

Related



Source link