Daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kim Min-jae ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiri doono Manchester United bilowga bisha July.
Xiddiga reer South Korea ayuu shaki ku jiray mustaqbalkiisa isaga oo xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah.
Kim ayaa door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga Napoli ee horyaalka Serie A-da waxnaa uu ciyaaray 35 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha PSG iyo Man United kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga 26 jirka ah.
Sida laga soo xigtay Il Mattino, Kooxda Man United ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga reer South Korea waxana ay u dhaqaaqi doontaa saxiixiisa 1 bisha July.
Kim ayaa lagu soo waramayaa in uu 9 milyan jeebka ku shuban doono marka uu ku biiro kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link