Kooxaha qaarada yurub ayaa haatan si Rasmi ah u samayn kara saxiixyada ay doonayaan iyada oo xiddigaha ay haatan la saxiixdeena noqon karaan ciyaartooyadooda cusub.
Maanta oo ay tahay taariikhdu 14 bisha June sanadka 2023 waxa Si Rasmi ah albaabka loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo xiddigaha iyo kooxaha kala duwan mashquulku u bilowday.
Inkasta oo ay kooxo badan saxiixyo sameeyeen todobaadyadii hore hadana kooxah ayaa haatan awood u leh in ay saxiixyo sameeyaan kadib markii uu furmay suuqa kala iibsigu.
Waxa ay kooxaha kala duwan awood u leeyihiin in ay si Rasmi ah ula wareegaan xiddigaha kala duwan ee ay doonayaan.
Sidoo kale xiddigaha heshiisyadoodu dhacay ayaa haatan ku biiri kara kooxaha ay doonayaan ay ku biiraan.

Related



Source link