Shabakada Transfermarkt ayaa soo saartay shaxda ugu qiimaha badan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Waxa la soo afjaray xilli ciyaareed xiiso badnaa oo horyaalka La Liga ah waxana la soo qaatay tartan aad loogu tartamay.
Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka waxa la soo shaaray shax laga sameeyay xiddigaha ugu qiimaha badan horyaalka La Liga.
Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh 3 xiddig oo ka mid ahaa xiddigaha sida fiican ugu ciyaaray kooxda xili ciyaareedkii dhamaaday.
Kooxda Real Madrid ayaa ku leh shaxda 6 xiddig iyada oo xiddiga Vini jr yahay xiddiga ugu qiimaha badan La Liga.
Kooxaaha Atletico Madrid iyo Villarreal ay shaxda ku leedahay min hal xiddig
Related