Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho xilli ay Aston Villa xiiso u qabto saxiixiisa (Football Transfers).
Kooxda Man United ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe xilli ay milkiilayaasha qatar ku dhawyihiin in ay la wareegaan kooxda (Metro).
Chelsea ayaa sidoo kale la filayaa in ay xiiso u muujiso saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo xaqiijiyay in uuna heshis cusub saxiixi doonin  (Times).
Real Madrid ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe sidoo kale waxa ay doonaysaa saxiixa xiddiga Tottenham ee Harry Kane (Mail).
Harry Kane ayaa sidoo kale la kulantay wakiilada kooxda PSG (Mirror).
Kooxda Man City ayaa wali sugaysa xiddiga Ilkay Gundogan kaas oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhamaadka bishan (ESPN).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay qaab xor ah ku fasaxdo xiddiga garabka uga ciyaara ee Nicolas Pepe (Telegraph).
Xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa dalab aad u sareeya ka helay kooxda Al-Hilal (Guardian).
Kooxda Inter Miami ayaa ku dhaw in ay la soo saxiixato xiddigii hore kooxda Barcelona Jordi Alba (ESPN).
Paris Saint-Germain ayaa wali dooneysa inay Kylian Mbappe ka iibiso Real Madrid xagaagan inkastoo xiriirkooda uu xumaaday (L’Equipe).
Real ayaa sugi doonta PSG inay magacawdo qiimaha ay ku iibinayso xiddiga Mbappe ka hor inta aysan go’aansan inay u dhaqaaqdo (Mail).
Los Blancos ayaa diyaar u ah in ay u soo bandhigto xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni si uu uga qayb noqdo heshiiska Mbappe (Telegraph).
Kooxda chelsea ayaa si lama filaan ah u doonaysa saxiixa xiddiga Alvaro Odriozola (Mundo Deportivo).

Related



Source link