Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.
Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay xiddiga reer England ka saxiixatay heshiis 6 sano ah oo uu jooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2028.
Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ku soo saartay”Real Madrid CF iyo Borussia Dortmund ayaa ku heshiiyey saxiixa Jude Bellingham, kaasoo difaaci doona maaliyadeena 6-da xilli ciyaareed ee soo socda.
Sidoo kale Real Madrid ayaa shaacisay in maalinta khamiista ee 15 bishan si Rasmi ah loo soo bandhigi doono xiddigu kana soo muuqan doono garoonka Bernabue.
Sidoo kale jude aaa la hadli doona saxaafada markii ugu horaysay isaga oo xiddig Real Madrid ah.
Related