Kooxda Liverpool ayaa dhawaan soo bandhigtay saxiixa xiddiga Alexis Mac Allister kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brighton kana dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suqa xagaaga.
Xiddiga reer Argentine ayaa kooxda Brighton ku riixay in uu ku biiro Liverpool waxana uu kooxdiisa cusub dhawaan la bilaaban doonaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Alexis Mac Allister Ayaa soo xaadiri doona todobaadka ugu horeeya ee bisha July markaas oo ay kooxdu bilaabi doonto isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sidaas darteed xiddiga Alexis Mac Allister ayaa kulanka ugu horeeya ee Liverpool la ciyaari doono kooxda Karlsruher SC kaas oo dhici doona 19 bisha July.
Dhanka kulanka Rasmiga ah ee uu ciyaari doono Alexis Mac Allister waxa la ogaan doonaa saacadaha soo socda marka la soo saaro jadwalka Liverpool ee horyaalka premier League.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa xidhan doona No.10 oo uu sidoo kale u soo xidhay kooxdiisii hore ee Brighton.

Related



Source link