Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala soo wareegtay Kooxda Dortmund.
Real Madrid ayaa Bellingham ka dhigtay saxiixyadeeda ugu qaalisan iyaga oo ka bixinaya wax ka badan 100 milyan oo euro.
Kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Website-ka Real Madrid ayaa hawada ka baxay kadib markii taageerayaasha Real Madrid ku soo xoomeen website-ka.
Website-ka Real Madrid ayaa in muddo ah hawada ka maqnaa kadib markii ay soo galeen dad ka badan intii uu qaadayay Server-ka Website-ku.

Related



Source link