Jamie Carragher ayaa aaminsan in Declan Rice uu guulo waaweyn la gaadhi doono Arsenal laakiin waxa uu uga digay in aan la damaanad qaadi karin in uu koobab kula guulaysan doono Arsenal.
Gunners ayaa ku dhaw in ay West Ham United kala heshiiso qiimaha kabtanka kooxdeeda kaas oo ka dhigi doona saxiixeedii ugu qaalisanaa taariikhda kaas oo ku kacaya 100 milyan oo euro.
Xiddiga reer England ayaa ka mid ah xiddigaha loogu doonista badna yahay premier League sanadihii ugu dambeeyay iyada oo horay loola xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo chelsea halka ay Bayern Munich si aad ah u doonayso saxiixiisa xagaagan.
Rice ayaa si kasta ha ahaatee doortay in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo Gunners doonayso in ay soo qabato kooxda Man City xilli ciyaareedka dambe.
Carragher ayaa sheegay in kooxda Man City ay tahay kooxda kaliya ee xiddigaha u balan qaadi karta ku guulaysiga koobab.
“Way adagtahay Xaalada Declan Rice, sidoo kale waa la mid Harry Kane, waxa ay joogaan kooxo aan u tartami doonin koobab premier Legaue iyo champions League”ayuu yidhi Carragher.
“Kaliya hadii aad ku biirtis Man City ayaad helaysaa balan-qaad ah ku guulaysiga koobabka aad rabto”.
“Waxa aan mar walba dareensanaa in uu Rice ku biiri doono Chelsea laakiin waxa uu haatan aadi karaa Arsenal, waa meel ka fiican halka uu haatan joogo laakiin koobab waaweyn kulama guulaysan doono”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link