Wararka ayaa sheegaya in kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ettifaq ay doonayso saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Sida laga soo xigtay shabakada caalamiga ah ee Sport Zone ayaa sheegaya in ay kooxda Bayern Munich doonayso in ay iska fasaxdo xiddiga reer Senegal suuqa xagaagan.
Wararkaas ayaa heegan galiyay kooxaha sucuudiga oo aad u doonaya in ay la soo saxiixdaan xiddigaha caalamiga ah ee ka ciyaara qaarada yurub.
Isla shabakada ayaa sheegaya in uu Sadio Mane uu xiisa ka helay Paris Saint-Germain iyo kooxaha La Liga iyo waliba kuwa ka ciyaara horyaalka premier League.
Laakiin Mane ayaa hadda dalab weyn oo Sucuudi ah ka haysta Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sucuudiga, kaas oo doonaya in ciyaartoyga reer Senegal uu ku biiro horyaalka Saudi Pro Leageu.
Waxaa la qorsheeyay inuu hogaamiyo kooxda Al-Ettifaq xilli ciyaareedka dambe iyada oo laga yaabo in uu la midoobo tababare Steven Gerrard.
Related