Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda West Ham iyada oo doonaysa in ay baanka u jabiso saxiixa xiddiga reer England.
Tababare Mikel Arteta ayaa aaminsan in uu xiddiga reer England wax weyn ku soo kordhin doona kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga Rice ayaa la filayaa in uu noqdo badalka tooska ah ee xiddiga Granit Xhaka kaas oo la filayo in uu isaga tagayo kooxda Arsenal.
Wargayska Metro ayaa soo bandhigay halka uu shaxda ka gali karo xiddiga Rice marka uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda.

Related



Source link