Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice ayaa loo sheegay in uu ka shalayn doono ku biirista kooxda Arsenal hadii uu ku biiro suuqa xagagaan.
Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer England iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka soo socda.
“Declan Rice wuxuu u baahan yahay inuu aado meel uu ku heli karo fursad lagu tijaabiyo, cadaadis joogto ah la saaro maskax ahaan iyo jir ahaanba,” Stan Collymore ayaa u sheegay CaughtOffside.
“Halka uu ka helo fursad uu ku kori karo tababare horumarsan. Waan ogahay in lala xidhiidhinayo Arsenal laakiin Man United ayaa ah dookh uga fiican”ayuu sii raaciyay.
“Xitaa kuma qanacsani in Arsenal ay ku dhameysan doonto boosaska Champions League seddexda, 4-ta sano ee soo socota, sababtoo ah Man United, Man City iyo Newcastle meelna uma socdaan Liverpool suuqa ayay ku jirtaa sidoo kale chelsea way soo laabanaysaa”.
“Haddii uu rabo inuu ka baxo aagga raaxada, waxaan dhihi lahaa tag oo is tijaabi. Tijaabada Man United iyo cadaadiska ay keenayso inay ka mid noqdaan kooxaha ugu waaweyn adduunka, laga yaabee kooxda labaad ee ugu weyn ka dib Real Madrid, waxay la macno tahay in aragtidayda ay ila tahay in Rice uuna ku biirin kooxda Arsenal”.

Related



Source link