Manchester City ayaan la siin doonin sharaf ay ku xirato astaanta koobka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo ay habeenkii sabtida ku garaacday Inter Milan oo ku guuleysatay koobka Yurub.
Kaliya kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Liverpool, ayaa UEFA u ogolaatay inay xidhaan calaamada.
Kooxda Man City ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay Champions League kadib markii ay 1/0 ku garaaceen Inter Milan kulan ka dhacay garoonka Ataturk Olympic Stadium.
Laakiin Kooxda Pep Guardiola ayaan xidhan doonin calaamada champions League xilli ciyaareedka dambe sidii ay horay u sameeyeen kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.
Astaanta sharafta UEFA waxa si gaar ah loogu talagalay kooxaha ku guulaysta champions League 5 jeer iyo wax ka badan ama kooxaha 3 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysta tartanka.
Sidaas darteed kooxda Man City ayaan buuxinayn shuruuda UEFA Sidaas darteed xilli ciyaareedka dambe ma xidhan doonto calaamada sharta UEFA ee champions League.
Related