Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay xiisaha uga imanaaya horyalka sucuudiga xilli uu dalab ka helay koox ka ciyaarta horyaalka dalka sucuudiga.
Xiddigaha waaweyn ee kubada cagta ayaa u muuqda kuwo ku sii qul-qulaya horyaalka sucuudiga iyada oo kooxahaas lacago waali ah miiska u saarayaan xiddigaha ay doonayaan.
Si kasta ha ahaatee Robert Lewandowski ayaa meesha ka saaray in uu u dhaqaaqayo horyaalka sucuudiga kadib markii uu xiiso ka helay kooxaha ka ciyaara horyaalkaas.
“Kama fikirayo dalabka Sacuudiga… sababtoo ah ma jirto wax laga fekero. Waxaan leeyahay mudnaan kale”ayuu yidhi Lewandowski
“Waan fiiriyaa oo waan arkaa waxa ka dhacaya [Sacuudiga], laakiin aniga ima khusayso”ayuu sii raaciyay.
Related