Kooxda Real Madrid ayaa shaacisay in uu xiddiga Vinicius Júnior kooxda u xidhan doono Lambar Cusub wixi ka dambeeya xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga reer Brazil ayaa muhiim ka ahaa kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.
Kadib bixitaankii Eden Hazard, Real Madrid ayaa shaacisay in xiddiga reer Brazil uu dhaxli doono Lambarka taariikhiga ah ee No.7.
Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Júnior ayaa wixii xilli ciyaareedka dambe ka dambeeya xidhan doona Lambarka No.7 oo uu ka dhacay Hazard.
Vinicius Júnior ayaa kooxda Real Madrid u xidhan jiray No.20 xilli ciyaareedkii dhamaaday kaas oo uu si weyn ugu soo caan baxay.
Laakiin xiddiga Vinicius Júnior ayaa haatan kooxda u xidhan doona Lambarka caanka ah ee No.7 Kaas oo uu ku bilaaban doono xilli ciyaareedka dambe.
Related