Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Wakiilo ka socda kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal ayaa ku sugan Paris si ay isugu dayaan soo xero galinta weeraryahanka Paris St-Germain iyo Brazil Neymar (CBS).
Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddigaha  Romelu Lukaku iyo Kalidou Koulibaly inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan (Sun).
Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana ayaa chelsea u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo Inter Milan (90 min).
Kooxda Man United ayaa kaliya aqbali doonta in ay qaab toos ah u iibiso xiddiga daafaca kooxda ee Harry Maguire (Sun).
Kooxda Ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Hilal ayaa doonaysa saxiixa tababarihii Hore ee kooxaha Man United iyo chelsea ee Jose Mourinho (Foot Mercato).
Xiddiga kooxda Nice ee Khephren Thuram ayaa u sheegay maamulka kooxdiisa in uu doonayo ku biirista Liverpool (Football Insider).
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice (Ran).
Kooxda Leicester City ayaa ogol in ay Arsenala ka iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Timothy Castagne (Goal).
Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaan xiiseyneynin inuu ka tago Yurub xilligan oo uu ku jiro xirfadiisa ciyaareed, xitaa iyadoo PSG ay diyaar u tahay inay ogolaato iibka xiddiga (RMC Sport).
Real Madrid ayaa u aragta saxiixa Kylian Mbappe in uu yahay mudnaanta koowaad ee weerarka waxayna ka cabsi qabaan in saxiixa xiddiga Tottenham ee Harry Kane uu ka hor istaagi karo saxiixa xiddiga reer France mustaqbalka (Mirror).
Achraf Hakimi ayaa doonaya inuu ku laabto Inter xagaagan, kooxda Serie A-da ayaana laga yaabaa inay u isticmaasho lacagta ay ku iibiso Andre Onana si ay dib ula soo saxiixato daafaca midig (Libero).
Dhanka kale, Hakimi ayaa door bidi lahaa inuu ku biiro Real Madrid ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub, sidoo kale waxaa la mid ah xiddiga Chelsea Reece James (El Debate).
Inter ayaan haatan xiiseyneynin inay AC Milan ama PSG kula tartanto saxiixa Marcus Thuram ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Borussia Monchengladbach (Gazzetta dello Sport).

Related



Source link