Leicester City ayaa isku diyaarinaysa in ay Timothy Castagne u ogolaato in uu kooxda ka tago kadib xiisihii Arsenal u muujisay saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa wadahadalo la qaadatay Leicester City si ay u hesho saxiixa xiddiga iyada oo Arteta u doonayo in uu ku badalo xiddiga Ben White oo xilli ciyaareedkii hore ka ciyaarayd garabka daafaca Midig.
Xiddiga 27 jirka ah ayaa kooxda Leicester Kul jira heshiis 2 sano ka dhiamntahay waxana uu doonaya in uu isaga tago kooxda kadib markii ay kooxdiisu ka hadhay premier League.
Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Leicester City ayaa diyaar u ah in ay Arsenal ka iibiso xiddiga Castange hadii ay helaan dalab fiican oo ay ku qancaan.
Xiddiga Castagne ayaa doonaya in uu ka sii ciyaaro horyaalka premier League waxana uu iska diiday kooxo ay ka mid yihiin Bayern Munich iyo Atletico Madrid.
Qiimaha ay Leicester City doonayso ilaa haatan ma cada laakiin waxa ay u badantahay in ay raadiso wax ka badan 30 milyan maadama ay 21 milyan ka soo bixisay xiddiga sanadkii 2020.
Related