Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Xiddiga Mason Mount ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man United laakiin Red Devils ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso wax ka badan 60 milyan (Give Me Sport).
Man United ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhahaya kooxda Everton ee Jordan Picford si uu u badalo David De Gea (TalkSport).
Kooxda Newcastle United ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah kula saxiixato kabtanka Man United ee Harry Maguire (Sun).
Qorshihii Man united ee saxiixa daafaca Napoli ee Kim Min-Jae ayaa dhiman kara hadii uu Maguire diido in uu ka tago kooxda (90min).
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay sugto ilaa maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton James Ward-Prowse (Mail).
Kooxda Tottenham ayaa isku diyarinaysa in ay dalab 50 milayn ah ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara Man United ee Jadon Sancho (Star).
Laakiin Red Devils ayaa dalbanaysa lacag dhan 60 milyan si ay u fasaxdo xiddiga (Sky Sport).
Kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga West Ham ee Declan Rice laakiin waxa ay diidantahay in ay bixiso qiimaha ay West Ham dalbanayso (90min).
Kooxda Man United ayaa diidan in ay bixiso lacagta ay Dalbanayso Fc Porto si ay u iibiso saxiixa Goolhaye Diogo Costa oo dhan 74 milyan (A Bola).
Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Manu Kone (Sky Sports Germany).
Kooxda Real madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe laakiin ma doonayo in uu la soo saxiixdo sanadkan (90min)
Tababaraha kooxda Mauricio Pochettino ayaa u sheegay milkiilaha Todd Boehly in uu doonayo in xiddiga Moises Caicedo ku badalo N’Golo Kante (Rudy Galetti).
Tababare Pochettino ayaa Maamulka chelsea ka hor istaagay saxiixa xiddiga haatan ku dhaw kooxda PSG ee Manuel Ugarte (Fabrizio Romano).
Goolhayaha Inter ee lala xidhiidhinayo chelsea ee Andre Onana ayaa qirtay in uuna ogayn meesha uu mustaqbalkiisu ku damabyn doono (Goal).
Chelsea ayaa laga yaabaa in la siiyo wado cad oo ay kula soo saxiixan karto Romeo Lavia kadib markii ay Liverpool ka baxday tartanka xiddiga (Football Insider).
Related