Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Ilkay Gundogan ayaa fariin u diray kooxaha doonaya saxiixiisa kadib final-kii champions League.
Gundogan ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay koobkii 3-aad ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay Ku garaaceen Inter Milan koobka champions League.
Mustaqbalka Gundogan ayaa ah hadal haynta ugu weyn bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.
Kooxaha Arsenal, Barcelona Dortmund iyo waliba kooxaha sucuudiga ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Sidoo kale Man City ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga iyada oo tababaraha kooxda doonayo in uu ka sii qayb ahaado kooxda Etihad ku ciyaarta.
Gundogan ayaa ciyaarta kadib u sheegay Fabrizio Romano in uuna wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa.
“Wali wax go’aan ah kama gaadhin mustaqbalkayga”ayuu Gundogan yidhi.
Related