Declan Rice ayaa u sheegay West Ham inuu doonayo kaliya inuu ku biiro Arsenal xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan kooxda Arsenal suuqa xagaaga iyada o Gunners wajahayso tartan ay kala kulmayso kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Bayern Munich.
West Ham ayaa haatanba xaqiijisay in uu Rice ka tagi doono kooxda kadib guushii ay ku guulausteen kobkii Europa Conference League.
Sida laga soo xigtay Ran Sport, Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa si shaqi ah u doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Rice si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.
Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in uu Rice u sheegay maamulka kooxda in uu doonayo kaliya ku biirista kooxda Arsenal.
Bilowgii todobaadkan ayay wararku sheegayeen in ay Arsenal diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 90 milyan si ay u helaan xiddiga reer England.

Related



Source link