Kooxda Man City ayaa ku guulaystay champions League kadib markii ay garaacday kooxda Inter Milan kulan ka tirsanaa Final-ka tartanka xilli ciyaaredkan.
Man City ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay tartanka champions League kadib sanado badan oo ay raadinaysay koobka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka final-ka champions League.
1.Manchester City Ilkay Gündogan waa Jarmalkii ugu horeeyay ee kabtan u noqda koox aan Jarmal ahayn finalka Champions League.
2.Simone Inzaghi ayaa noqday tababarihii 6-aad ee talaani ah ee hogaamiya koox gaadha Final-ka tartanka champions League kadib Ancelotti, Capello, Lippi, Di Matteo iyo Allegri waana dalka ugu badan ee sidaas sameeya.
3.Tababaraha Kooxda Man City ayaa markii 3-aad ee taariikhdiida tababare ahaan ku guulaysta champions League.
4.Tababare Guardiola ayaa markii 2-aad ku guulaysta saddexley kooba ah intii uu tababaraha ahaa sidoo kale waxa uu noqday tababarihii ugu horeeyay ee laba kooxood oo kala duwan sidaas ku sameeyay (Barcelona in 2008-09 & Manchester City in 2022-23).
5.Kooxda Man City ayaa noqotay koodii 6-aad ee Premier League ah ee ku guulaysata champions League kadib Aston Villa, Chelsea, Liverpool, Manchester United & Nottingham Fores.
6.Man CIty ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee Premier League ah ee ku guulaysata saddexley koobab ah kadib Man United oo sdiaas samaysay 1999.
7.saddex ka mid ah 5-tii koob ee ugu dambeeyay champions League waxa ku guulaystay koox premier League ah.
8.Manchester City ayaa dhalisay in ka badan 100 gool in ka badan intii laga dhaliyay saddex ka mid ah shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay (18-19, 21-22, 22-23) – kahor imaatinka Pep Guardiola, ma jirin koox reer England ah oo dhalisay 100 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareed kaliya.
9.Magaalada Manchester ayaa noqotay magaaladii 2-aad ee ay laba kooxood ku guulaysteen champions Legaue kadib magaalada Milan.
10.Man City ayaa noqotay kooxdii 8-aad ee ku guulaysta saddexley koobab ah xilli ciyaareed kaliya qaarada yurub.

Related



Source link