Kooxda Man City ayaa galaysa final-ka champions League iyaga oo ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.
Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Inter Milan kulan xiiso leh oo ka dhici doona caasimada Turkey ee Istanbul.
Waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 Sabab oo ay Inter Milan ugu dhibaatoon karto kulanka Final-ka champions League:
1.The Romelu Lukaku – Lautaro Martinez:
Xidhiidhka Xiddigaha Romelu Lukaku – Lautaro Martinez ayaa fure u ahaa guulaha kooxda Inter Milan ee xilli ciyaareedkii 2020/2021 Lukaku ayaa ku soo laabtay chelsea xagaagaas laakiin ku fashilmay waxana uu ku soo laabtay Inter xilli ciyaareedkan.
Waxa uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin kulamadii ugu dambeeyay waxa uu muujiyay qaab ciyaareed fiican.
Dhinaca kale Martinez ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 4 kale 13-kii kulan ee ugu dambeeyay sidaas darteed labada xiddig ayaa dhibaato ku noqon karta City kulanka caawa.
2.Daafaca Inter Milan:
Kooxda Inter Milan ayaa xilli ciyaareedkan haysata daafaca ugu fiican qaarada yurub waxana daafacaas goolka u ilaalinaya Goolhaye Onana kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Tababare Inzaghi ayaa ku ciyaara 3 daafac ah waxana uu kooxdiisa ka dhigay koox aan lagu soo xisaabtami karin goolkeeda taas oo ka caawiysay in ay soo gaadhaan final-ka champions League.
Sidaas darteed weerarka Man City ayaa wajahaya daafac isku xidhan oo ay adagtahay in si dhib yar lagu dhaafo ama gool looga dhaliyo.
3.Shaxda Inter Milan ee Inter Milan 3-5-2 oo dhaawici karta awooda City.
Sida Inter, Man City ayaa ku ciyaarta 3 daafac ah laakiin farqiga u dhexeeya ayaa ah in ay Inter haysato 2 xiddig oo garbaha daafaca ah oo si aad ah u shaqeeya dhinaca daafaca iyo waliba weerarka.
Man City ayaa ku ciyaarta shaxda 3-4-3 laakiin Inter ayaa ku ciyaarta 3-5-2 waana shax dhaawici karta khadka dhexe ee kooxda Man City.
4.Man City oo Horay ugu Fashilantay Final Ay Ugu Cad-Cadaayeen Champions League:
Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Man City Gasho Final ay ugu cad-cadahay ku guulaysigiisa maadama ay sanadkii 2021 galeen final-ka tartanka iyaga oo ugu cad-cad.
Laakiin Man City ayaa si weyn u fashilantay waxana ay taasi keentay in ay chelsea ku guulaysato champions League kadib markii ay ku fashilmeen in ay iska xamilaan cadaadiska.
5.Simone Inzaghi waa boqorka koobabka:
Tababaraha Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro kooxihiisa kulamada horyaalka laakiin marka ay noqoto kulamada koobka waa sheeko kale.
Tababaraha ayaa kooxda kula guulaystay 3 koob oo maxali ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda halka uu sidoo kale galayo final-kii 8-aad ee xirfadiisa tababare waxana uu ku guulaystay 7 ka mid ah.
Sidaas darteed Rikoodhka Tababare Inzaghi ee kulamada Final-ka ayaa cabsi ku ah kooxda Man City iyo rajadooda ku guulaysiga koobkii ugu horeeyay ee champions League.

Related



Source link