Real Madrid ayaa maanta oo sabti ah ku dhawaaqday soo laabashada Brahim Diaz kadib markii uu dhamaaday amaah uu ku joogay AC Milan muddo saddex sano ah.
Kooxda Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku tidhi: “Kooxda kubbada cagta Real Madrid waxay ku dhawaaqday inay dhici doonto maalinta salaasada oo ku beegan 13 bisha June xaflada soo dhawaynta Ibrahim Diaz, oo ku soo laaban doona kooxda kadib amaah uu 3 sano ku joogay kooxda Ac Milan”,
Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Marxaladdan oo kale waxa uu noqday ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan kooxda taariikhiga ah ee Talyaaniga, Ibraahim waxa uu Milan kula guulaystay horyaalka Talyaaniga sidoo kale waxa uu la gaadhay Semi-final-ka champions League”.
Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Ibraahim Diaz waxa uu ahaa ciyaaryahan Real Madrid ah tan iyo bishii January 2019, waxaana uu horay ula qaaday kooxdeena hal horyaal iyo hal Spanish Super Cup, ka hor inta aan amaah lagu siin Milan bishii Sebtembar 2020. Kadib xaflada bandhigga, ciyaaryahanka ayaa kasoo muuqan doona. warbaahinta horteeda.”
Intii uu joogay Milan, Diaz waxa uu ciyaaray 124 kulan oo tartamo kala duwan ah, waxa uu dhaliyay 18 gool, waxa uu caawiyey 15 kale, waxana uu qaatay 12 kaar oo huruud ah.
Xiddiga Diaz ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay kooxda Real Madrid samayso suuqa xagaaga kadib markii ay horay ula soo wareegtay xiddigaha Jude Bellengham iyo Garcia Faran.
Related